Taliyaha cusub ee AFRICOM oo sheegay inuu xooga saarayo la dagaalanka Al Shabaab

Published: July 22, 2022

Taliyaha cusub ee loo magacaabay Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) Gen. Michael E. Langley, oo khamiistii shalay hortagay Guddiga Ciidamada Qalabka-sida ee Aqalka Sare ee Maraykanka ayaa sheegay in Kooxda Al Shabaab ay sare u qaaday hawlgaladooda.

Gen.Langley ayaa loo magacaabay inuu helo xiddigtii afaraad iyo madaxa Taliska AFRICOM. Langley waxa uu noqonayaa Taliyihii ugu horeeyay ee Afrikaan-Maraykan ah oo afar-xiddigle ah oo hoggaamiya taliska Afrika, isagoo beddelaya Gen. Stephen J. Townsend.

Taliyaha cusub ayaa codsaday in taliskiisa loo kordhiyo saadka dhanka cirka si ay sare ugu qaadaan la dagaalanka kooxda Al Shabaab oo uu sheegay inay wadaan qorshayaal ka baxsan Soomaaliya oo ay amniga ku khal khal gelinayaan. Wuxuuna ku tilmaamay kooxda Al Shabaab midda ugu khatarta badan kooxaha argagaxisada ee ka jira Afrika.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in ay sare u qaadayaan dadaalkooda ay uga hortagayaan saameynta Shiinaha iyo Ruushka ee xooga soo saaray Qaarada Afrika, arrintaasi oo uu sheegay in loo baahan yahay in sare loo qaado diblumaasiyada iyo xiriirka iskaashi oo ay laleeyihiin dalalka Afrika.

Langley waxa kale oo uu sheegay in kooxaha argagixisada ah ee ISIS, al-Qaida, iyo JNIM ay ku sii fidayaan gobalka (Sahel), harada Lake Chad Basin, iyo galbeedka Afrika, wuxuuna sheegay in dabka ay wax kasii hurinayaan calooshood u shaqeystayaasha kasoo jeeda dalka Ruushka.

Jeneraalkan oo kamid ahaa ciidamadii Maraykanka ee ku sugnaa Soomaaliya hawlgalkii [Restore Hope], ayaa sheegay in go’aankii sanadkii hore ciidamada Maraykanka looga saaray Soomaaliya uu fursad u siinayo inay kooxo kale ay booskaasi buuxiyaan taasi oo ah khatar, isagoo tusaale usoo qaatay sida calooshood u shaqeystayaasha Ruushka xiligan ugu sugan yihiin dalka Mali.

Taliska AFRICOM ayaa dadaal ugu jira inay ka hortagaan qorshe la sheegay in Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka (Pentogan) ay damacsan tahay in hoos loo dhigo miisaaniyada ciidamada ku sugana Afrika iyadoo sare loo qaadayo Taliska Qaarada Aasiya (Indo-Pacific) si looga hortago awooda Shiinaha.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *