Taliya guud ee ciidamada Kenya oo socdaal ku yimi Soomaaliya

Published: December 23, 2019

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Kenya Samson Mwathethe, ayaa booqasho aan la sii shaacin waxaa uu ku tagay taliska ciidanka Mareykanka ee gobolka Jubada hoose.

Samson Mwathethe, ayaa ciidamada Kenya ee uu ku booqday saldhigga Kudhaa ee degmada Badhaadhe ugu hambalyeeyay sanadkan cusub.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu salaan uga sido Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Mr Samson, ayaa qiray in intii ciidanka Kenya ay ka dagaallamayeen Soomaaliya ay la kulmeen Laba dagaal oo uu khasaare xoog leh ka soo gaaray, kuwaas oo kala ah Ceel Cadde iyo Kulbiyow, hayeeshee ay guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“ Lama idin hilmaamin, waxaad tihiin geesiyaasha dalka, waxaad halkan u joogtaan amniga Soomaaliya oo la mid ah amniga Kenya, marka aad Soomaaliya ku soo celisaan amniga ayey Kenya amni noqoneysaa”

ayuu yiri Jeneraal Samson Mwathethe.

Taliye Samson Mwathethe ayaa ku faanay in ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya ay hub carsi ah iyo saad ku filan ka helaan dowladdooda Kenya kuna bogaadineyso dadaalka ay uga jiraan in ka adkaadaan Al-shabaab.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *