Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo kormeeray xarumo ku yaal Garoowe

Published: November 2, 2020

Taliyaha Booliiska Federaalka Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo shalay soo gaaray magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa kormeeray xarumaha ciidamada Booliiska ee ku yaal magaalada.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Taliska Dhexe ee Booliiska Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo la yeelanaya Saraakiisha Booliiska Puntland oo ay ka wadahadli doonaan mashaariicda tayeynta Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee sanadka soo socda 2021.

Taliye Xijaar oo safaro kusoo maray maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu doonayo inuu qiimeeyo ciidamada Booliiska ee dalka si qiimeyntaasi loogu jaan-gooyo qorshahooda sanadka soo socda.

Wafdiga Taliyaha Booliiska ayaa horey kormeero ugu soo sameeyey Saldhigyada ku yaal magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *