Taliyaha Booliska DFS oo safar shaqo ku tegay dalka Mareykanka

Published: September 21, 2024

Wafdi uu hoggaaminaayo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa safar shaqo oo kooban ku tagey Dalka Mareykanka si uu kulamo ula qaato hay’adaha Booliska ka taageera dhanka la-dagaalanka Argagixisada.

Taliye Sulub Axmed ayaa shirar kala duwan la qaatay Madaxda hay’adahaas kuwaas oo dhamaantood ku soo dhammaaday guul.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale tagay Akadeemiyada FBI-da halkaas oo ay kula kulmeen saraakiisha Hay’adaas iyagoo kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen tababarada saraakiisha Booliska Soomaaliyeed.

Horseed Media