Taliyaha CDS oo amray in xeryahooda ku soo laabtaan ciidamada ku maqan shaqada leexsan.

Published: March 16, 2020

eneral Odowaa Yuusuf Raagge Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed G ayaa soo saaray amaro quseeya ciidamada aan sida tooska uga howlgalin xarumaha ciidamada.

Qoraal ka soo baxay 14kii bishan xafiiska taliyaha xoogga dalka ayaa lagu amray dhammaan taliyaasha xarumaha,qeybaha,dugsiyada tababarka inay dib u soo xereeyaan askarta howlaha kale qabta oo loo yaqaan Shaqo leexsan. Taliye Odawaa ayaa ku xusay qoraalkan inuu tallaabo ka qaadi doono ciidamada aan dib ugu soo laaban xeryahooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *