Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gaaray magaalada Kismaayo

Published: March 6, 2023

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG Jubbaland.

Ujeedka safarka Taliyaha iyo waffigiisa ayaa daaran ka qeybgalka shir looga arrinsanayo hanaanka cusub ee Boliiska dalka labadiis heer (Boliiska Federaalka ah iyo Boliiska Dowlad Goboleedyada)

Sidoo kale shirkan ayaa looga hadlin doonaa Mideynta mashruuca taakuleynta iyo jaangoynta baahiyaha booliiska dalka. 

Inta uu shirku socdo Taliyaha iyo wafdigiisu waxay booqa doonaan, una kuur-geli doonaan hanaanka shaqo ee booliska Jubbaland.

Horseed Media