Taliyaha ciidanka booliska oo guddoomiyay shir looga hadlay amniga

Published: March 24, 2022

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Guddoomiyey Shir degdeg ah oo looga hadlayey sugidda amniga doorashooyinka, amniga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, amniga guud ee dalka iyo wada shaqaynta hay’adaha amniga.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wakiilka Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, Taliyaha Ciidanka AMISOM Gen. Diomede Ndegeya, Taliyaha Qaybta Koowaad ee Ciidanka AMISOM iyo saraakiil kale, ayaa waxaa lagu lafo guray dib-u-habaynta iyo xoojinta amniga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, sugidda Amniga Doorashooyinka iyo dardar gelinta hawl-gallada la dagaallanka argagixisada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *