Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Dowladda Federaalka oo gaaray Bariire

Published: March 25, 2024

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, madaxa hoggaanka howl-gelinta ee CXD G/Dhexe Cali Aadan iyo Taliyaha Guutada 14-ka October G/Dhexe Nuur Maxamed Gaabow ayaa gaaray deegaanka Bariire oo 57km Galbeed uga began Muqdusho.

Saraakiisha ayaa kormeeray fariisimaha kala duwan ee ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Bariire,waxayna saraakiisha iyo ciidanka halkaas jooga siiyeen waajibaadka qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo argagixisada sida ay ku warantey wakalada wararka ee SONNA.

Taliye Dayax Cabdi oo goob fagaare ah kula hadlay ciidanka xoogga dalka ee Bariire ku sugan ayaa sheegay in markaan loo baahan yahay is bedel wayn oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ka keeno furimaha dagaalka.

Taliyaha ayaa dhanka kale kormeeray xeryaha ciidamada ATMIS ee deegaanka Bariire, shir saacad qaatay oo halkaas ka dhacayna waxaa lagu gorfeeyay ka qayb noqoshada ATMIS ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab.

Horseed Media