Taliyaha ciidanka dhulka ee XDS oo kormeeray taliska guutada 17-aad ee ciidanka Gorgor

Published: May 4, 2024

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa kormeeray taliska guutada 17-aad ee kumaandooska GorGor.

Taliyaha ayaa la kulmay saraakiisha hoggaannada kala duwan, isagoo xusay muhiimada gudashada waajibaadka dhameystirka iyo dhiig bixinta khawaarijta caadaysatay dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed ku amaanay sida qabka iyo kartida leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda Qaran.

Taliyaha ayaa kula dar daarmay geesiyaasha gor gor inay laba laabaan howlgalka sifeynta Khawaarijta.