Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray Galgaduud

Published: July 17, 2024

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Somaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa shalay gelinkii danbe gaarey aaga deegaanada Waniile iyo Dhagaxyaale oo uu ka soconayo hawlgal balaaran oo Khawaarijta jab xoog leh lagu gaarsiiyay.

Jeneraal Dayax taliyaha ciidanka dhulka  ayaa ciidamada iyo saraakiisha ku sugan deegaanadan lagu baacsanayo cadawga ee hoostaga Ceeldheer ku dhiiri-geliyay guulaha ay soo hooyeen iyo jabka baaxadda leh ee ay ku naafeeyeen khawaarijta isku aruursaneysay dhulka howdka ah.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan jiidaha hore ee lagula dagaallamayo khawaarijta ayaa Ciidanka xoogga ku amaanay dhabar adeyga iyo ka mira dhalinta hadafka naf hurnimada leh ee lagu naafeeyay cadowga.