Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka oo ka hadlay Bam gacmeed lagu tuuray Xerada

Published: January 21, 2018

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Maxamad Faniin Yuusuf ayaa ka hadlay qarax xalay lagu tuuray Xarunta Ciidanka Ilaalada Wadooyinka, kadib markii uu shir jaraa’id ku qabtay Xarunta.

Taliyaha ayaa sheegay in markii saacaddu ay ahayd hal saac oo habeenimo in Xarunta horteeda lala yimid qarax iyo habado, waxaana ku dhintay dhac dhadaasi Kornal Cabdullaahi Maxamad Faarax askeri kalena waa uu ku dhaawacmay.

..Xerada waxaa joogay saraakiil iyo saraakiil xigeenno, waxaa lagu soo tuuray laba bam oo nooca 36-ka ah , waxaana xigay xabado, dabeedna umaddii buuqaysay ayey dhex galeen ayuu yiri Maxamad Faniin Yuusuf.

Taliye Maxamad Faniin Yuusuf ayaa intaasi ku daray in dhibaatada dhacday ay tahay mid ballaaran. 10 maalmood ka horna Xerada horteeda lagu dilay nin sarkaal ahaa, isagoo xusay in baartiaan ku aadan falkan sameyn doonaan si loo ogaado cidda rasmiga ah ee ka dambeesa.

Maxaamd Faniin Yuusuf ayaa sheegay in ay tuhunsanyihiin dad kale duwan oo soo abaabulay weerarkan, kuwaas oo noqon kara ganacsato, dad Shacab ah iyo kooxaha dagaalka kula jira Puntland ee Al-Shabaab iyo Daacish oo kaashanaya dad deegaanka ah, waa sida uu Taliyaha hadalka u dhigay

Horseed Media 2018

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *