Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliyeed Oo Kormeer Ku Tagey Xerada Turksom

Published: July 5, 2023

Taliyaha Ciidanka dhulka XDS Gen Axmed Aadan Cali ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay dugsiga Tobobarka Ciidamada Turki Som iyo Taliska Guutada 18-aad Kumandooska Gorgor XDS ee magaalada Muqdisho.

Gen Axmed Aadan Cali oo ugu horayn tagay dugsiga tababarka ee Turkisom halkaas oo uu tobobar uga socdo Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulan la qaatay taliyaha dugsiga Turkisom Gen. Ali Sigirtmac oo ah Taliyaha Dugsiga Turkisom isagoona ugu mahadceliyey garab istaagga dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

Gen. Ali Sigirtmac ayaa dhankiisa ka mahadceliyey celiyay kormeerka taliyaha, isagoo warbixin dhameystiran ka siiyay tababarka Ciidanka Xoogga halkaas ugu socda.

Dhanka kale taliyaha ayaa kormeeray taliska guutada 18-aad ciidanka Kumandooska Gorgor XDS halkaas oo ku soo dhaweeyey Taliyaha Guutada 18-aad Gashaanle Bashiir Cumar Cabdullaahi.

Taliye Axmed Aadan ayaan kulan la qaatay Saraakiisha guutada 18-aad ee kumandooska Gorgor XDS, waxana uu kula dardaarmay in si daacada u gutaan waajibka qaran una diyaar garoowaan wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo khawaarijta.

Horseed Media