Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray gobolka Shabeellada Dhexe

Published: September 8, 2024

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin, oo uu wehliyo  Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell ayaa gaaray gobolka Shabeellada Dhexe

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo sarakiisha la socday ayaa kulama la qaatay Saraakiil ka tirsan xoogga Dalka ee ku sugan Sh/dhexe,waxana Kulanka looga hadlay sidii Khawaarijta looga sifeyn lahaa goobaha ay wili kaga suganyihiin dalka, waxaana Taliyaha Ciidanka XDS uu amray saraakiishaan in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah Argagixisada iyadoo la kaashanyo dadka Deegaanka oo diyaar u ah dagaalka cadawga.

Saraakiisha ka socotay Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweeyay Howlgalkaan, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha naf la caariga ah ee khawaarijta.

Horseed Media