Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo Kormeer ku tagey Xabsiga dhexe ee Xamar

Published: January 2, 2018

Sarreeye gaas Cabdi weli Jaamac Gorod taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa kormeer ku tagay xabsiga dhexe ee Xamar iyo Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed , waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan .

Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga iyo Asluubta, ayaa Waxay kormeereen Warshadda Soo saarta qalab xafiseedka, dharka ciidanka Asluubta iyo kan maxaabiista, agabka dhismaha iyo qalabka guriyaha, waxaana Warshadaan ka howl gala maxbiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar iyo saraakiil ciidankaasi ka tirsan.

Sarreeye gaas Cabdiweli Jaamac GorodTaliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed , ayaa tilmaamay in uu ku faraxsanyahay booqashada maanta uu ku tagay taliska ciidanka Asluubta, waxaana uu tilmaamay inuu arkay howl wanaagsan oo socta, isaggoo boggaadiyey sida wanaagsan ee Maxaabiista xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran loo barayo Farsamadda Gacanta.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan, isaggoo sheegay in labada talis ee xoogga dalka iyo ciidanka Asluubta uu ka dhaxeeyo wada shaqeyn iyo xiriir aad u wanaagsan.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *