Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan la qaatay Sarakiisha Ciidanka ATMIS

Published: January 15, 2024

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ATMIS,kaa oo diirada lagu saaray amniga dalka.

Kulankaan oo ay ka qeyb galeen Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Booliiska waxaa lagu falanqeeyay doorka ATMIS ee ku saabsan xoojinta amniga dalka iyo Caasimadda sidii amnigeeda sare loogu qaadi lahaa, Waxaana si lamid ah kulankaan looga hadlay Howlgalka ka dhanka ah kooxaha Aragagixisada.

Shirkaan waxaa goob joog ka ahaa Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahana Madaxa Howlgalka ATMIS Ambassador Mohammed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidamada Atmis  General Sam Okiding.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa ATMIS ku amaanay doorka ay ka qaateen xasilinta dalka iyo naf-hurnimada ay sameeyeen mudadii ay joogeen dalka.