Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in ay howlgal ku dileen 10 Xubnood oo Al-Shabaab ah

Published: June 13, 2022

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howgal qorsheeysan ka sameeyay degaanka Qabdho oo hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay sigaar ah u fuliyeen guutada 5aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii degaannada u dhow degmada Matabaan looga saari lahaa Ururka Al-Shabaab oo dhowr jeer weerar ku qaaday degmadaasi Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka Al-Shabaab looga dilay ku dhowaad 10 Xubnood, sidoo kalena laga bur-buriyay bartii ay shacabka kaga qaadayeen lacagaha.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage wuxuu sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii looga hortagi lahaa dhagarta Al-Shabaab, isla markaana shacabka looga dul qaadi lahaa dhibaatada ay ku hayaan.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay kordhiyeen howlgallada ay ka fulinayaan degmooyinka iyo degaannada Gobolka Hiiraan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *