Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo xerada Ballidoogle tababar ugu furay askar cusub

Published: November 8, 2022
Shares20

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawa Yuusuf Raage ayaa xerada ciidanka kumaandooska Danab ee Ballidoogle waxa uu tababar ugu furay askar cusub oo ku biireysa ciidanka xoogga dalka.

Jeneraal Odawaa ayaa askartaan uu maanta tababarka u furay wuxuu kula dardaarmay inay daacad u noqdaan shaqada qaran ee loo carbinayo.

Tababar maanta loo furay ciidankaan cusub ayaa ku soo aadaya xilli ciidanka xoogga dalka ay dalaallo culus kula jiraan Ururka Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa todobaadyadii la soo dhaafay Ururka Al-shabaab kala wareegay deegaanno badan oo katirsan dalka.

Horseed Media