Taliyaha Ciidanka Xoogga S/Gaas Yuusuf Odowaa Raage iyo saraakiil kale oo socdaal shaqo ku maraya deegaanada Gobolka Hiiraan ayaa gaaray degmada Maxaas, gaar ahaan furimaha ay joogaan qeybaha ciidanka Qaranka.
Taliyaha iyo saraakiishii kale ee la socday waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay maamulka iyo saraakiisha ciidanka, iyagoo boogaadiyay cutubyo ka tirsan ciidanka iyo kuwa difaaca madaniga ah oo u taagan la dagaalanka kooxaha khawaarijta.
Taliye Odowaa oo safarkiisa shaqo uu la xiriiray u kuur-galidda xaaladda nololeed ee ciidanka, waxa uu warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa difaaca madaniga ee ku sugan furimaha dagaalka.
Taliyaha ayaa kula dardaarmay qeybaha ciidanka in ay laba jibaaraan howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ee weli ku harsan deegaanada Hiiraan.