Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Xilka la Wareegay

Published: February 24, 2018

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Dowladda Soomaaliya Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad ayaa xilka la wareegay kadib xaflad kooban oo ka dhacay Xarunta Taliska Booliska.

Waxaa ka soo qeyb galay Munaasabadda Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiir kuxigeenka Amniga, Taliyaha cusub ee Nabad Sugidda iyo Saraakiisha Booliska.

Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad Ameeriko ayaa horay uga mid ahaa Taliye kuxigeenada Ciidanka Booliska.

Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Sugidda 19-kii bishan oo muddo afar bilood ku dhow banaanaa.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *