Taliyaha cusub ee daraawiishta Puntland Gen. Abshir London oo xilka la wareegay

Published: September 7, 2022

Taliyaha cusub ee ciidanka daraawiishta Puntland
Taliyaha cusub ee ciidanka daraawiishta Puntland gen. Abshir Cabdi Jaamac

Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo arbaca ah xilka u kala wareejiyay taliyaha cusub ee ciidanka daraawiishta Puntland Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) iyo taliyihii hore Gen. Yaasiin Cumar Dheere.

Madaxweyne Deni oo xiran dharka ciidanka ayaa khudbad qaadatey 20 daqiiqo goobta ka jeediyey waxaana uu boggaadiyay sida wanaagsan ee ciidanka Puntland, gaar ahaan ciidanka daraawiishta ay u gutaan waajibaadkooda isagoo uga mahadceliyay taliyaha xilka wareejiyay maanta Gen. Yaasiin Cumar Dheere sida uu u gutay shaqada intuu xilka hayey, gaar ahaan doorkiisii ku aadana qorshihii dib-u-habeynta ee ciidanka lagu sameeyay.

Madaxweynaha Puntland ayaa goobta ka sheegay in markii uu xilka u dhiibaayey Gen. Cumar Dheere sanadkii 2019 ka codsadey in uu hayo muddo sanad ah, maadaama taliyihii ka horeeyey Gen. Siciid Dheere uu xilka iska casiley una tartamey Madaxweynaha Puntland, laakiin ay ku qaadatey muddo saddex sano iyo bar ah in uu xilka sii hayo.

Miisaaniyadda ugu badan ayaa Puntland uga baxda ciidamada. Waxaana saddexdii sano ee u danbeysey Puntland wadey dib u habeynta ciidanka, iyo sixitaankooda.

Taliyaha cusub ee ciidanka daraawiishta Gen. Abshir Cabdi Jaamac oo ku magac dheer London, ayaa muddo ka soo shaqeynaayey ciidamada Booliska, ee heer dowlad goboleed iyo weliba heer dowladda federaalka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *