Taliyaha cusub ee Madaxtooyada Puntland oo xilka la wareegay

Published: March 2, 2022

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali, ayaa xilka u kala wareejiyay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Madaxtooyada G/Sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) iyo Taliyihii hore ee Ciidamada Madaxtooyada G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo hadda ah Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Bari.

Munaasabadda uu xilka kula wareegay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Madaxtooyada G/Sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati), waxay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso, waxaana ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali, Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Yuusuf Dabaraani, Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha aaga Bari ee Ciidamada Difaaca Puntland G/sare Siciid Nuur Shire, Taliye-xigeenka Ciidanka Asluubta G/sare Cabdirisaaq Gantaal iyo Saraakiisha xilalka kala duwan haya ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *