Taliyaha Hey’adda NISA oo gaaray deegaano ka tirsan Hirshabeelle

Published: April 28, 2024
Shares4

Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ayaa gaaray deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle.

Taliyaha ayaa ciidamada qaranka iyo kuwa dib u xorreynta deegaanka ku dhiirigeliyey dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta, wuxuuna kula dardaarmay inay sii wadaan dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Taliyaha oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa kulamo kala duwan la yeeshay hoggaanka ciidamadda qaranka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira khawaarijta, waxaana uu la wadaagay in dowladdu ay wado howlgal ballaaran oo lagula dagaalamayo kooxda cadowga ee shabaab.