Taliyaha Mariiniska Puntland ” Ammaanka Garoowe aad buu u sugan yahay” [Dhegeyso]

Published: February 16, 2012

Taliska sare ee ciidamada ilaalada badaha Puntland oo maanta Saxaafadda shir u qabtay ayaa ka warbixiyey sida ay xiligan tahay xaaladda ammaan ee magaalada Garoowe.

Cabdirisaaq Diiriye Faarax (Dhugad) oo ah taliyaha ciidamada badda ee Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha jaamacadda PSU oo uu hoolkeeda ka socda wejiga 2-aad ee shirka Garoowe ayaa sheegay in guud ahaan ammaanka magaaladu uu yahay mid sugan.

Taliye (Dhugad) wuxuu sidoo kale sheegay in ammaanka goobta uu shirku ka socdo ay tahay mid si aad ah loo adkeeyey islamarkaana ciidamada ilaalada badaha ee Puntland ay si aad ah isuga xil saareen.

Wuxuuna intaas raaciyey in ciidamada badda Puntland ay Garoowe soo gaareen 14/Feb,si ay ammaanka shirka u sugaan isagoo dhinaca kale xusay in guud ahaan laamaha ammaaka ee Puntland ay wada shaqeyn buuxda ka dhexeyso ayna iska kaashadaan nabad sugidda iyo howlaha kale ee ciidamada.

Dhegeyso codka Taliye (Dhugad)

[powerpress]

Taliyaha ciidamada badda ee Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax (Dhugad) ayaa ugu danbeyntii sheegay in suggidda amnigu ay tahay waajib muqaddas ah loona baahan yahay in qof walba oo Puntlander ahi uu qaato kaalintiisa kaga aadan.

Mariiniska Puntland oo ah ciidamo xoogan islamarkaana qaba tababar aad u sareeya waxay inta badan ka qayb qaataan arimaha bulshada iyo suggidda ammaanka, waxayna sidan oo kale ammaanka Garoowe u xoojiyeen markii uu dhacayey wejigii hore ee shirka haatan socda.

 

Horseed Media

Garoowe