Taliyaha XDS iyo Taliska Africom oo ka wadahadlay la dagaallanka Shabaab

Published: June 14, 2023

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulan laqaatay taliyaha ciidamada Mareeykanka ee howlgalka Africom Gen, Micheal  Langley.

Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage iyo Gen, Micheal  Langley ayaa ka wada xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya laba qeybood iyo dar-dar gelinta la dagaalanka kooxda Al Shabaab.

Dowlada Somaliya ayaa sheegtay inay bilaabi doonto wajiga labaad ee duulaanka ka dhanka ah Al Shabaab, xili Maraykanka uu hoos u dhigay weeraradii dhanka cirka uu ku garabsiin jiray militariga Soomaaliya.