Taliye Mahad Oo Hambalyeeyey Xuska Sanad Guuradda 54aad Ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Published: February 22, 2024
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa hambalyo u diray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal-degaya sanada guurda 54-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta oo aheyd 22- Feb-1970.

Taliyaha ayaa Ciidanka u rajeeyay Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xiggeenada, Dableyda Ciidanka Asluubta iyo Xaasaskooda in sanadkaan sanadkiisa xiga ay ku gaaraan Horumar iyo Baraare.

Munaasabada Xuska ayaa waxa ka qayb gelaya Madax kala duwan oo ka socota Haya’addaha Dowladda sida golaha xukuummadda,labada gile Baarlamaan,talisyada Ciidanka iyo waaxda Garsoorka.

Horseed Media