Taliye Odowaa oo shaaciyey in baaris lagu sameynayo ciidamo dad shacab ah ku dilay Bariire

Published: June 16, 2022

Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo dhawaan ciidamada Gorgor ay ku dileen dad shacab ah.

Taliye Odowaa ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka Xooga dalka, isaga oo tilmaamay in baaritaano lagu sameyn doono, sida ay wax u dhaceen.

Sidoo kale taliyaha ayaa dardaaran u jeediyey dhammaan saraakiisha iyo askarta Xoogga dalka ku sugan deegaankaas, kuwaas oo dagaal kula jiro Al-Shabaab.

Bariire ayaa ka mid ah deegaanada ay had iyo jeer weerarada culus ku soo qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *