Taliye Odowaa Yuusuf Raage oo ciidamada ku amaanay inay Al-shabaab ka qabsadeen deegaanno badan

Published: April 8, 2023
Shares6

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degaanka Ceel-cali Axmed ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Jeneraal Odawa Yusuf Raage ayaa ciidanka ku amaanay sida ay Al-shabaab uga dulqaadeen dhibaatooyinkii ay shacabka Soomaliyeed ku hayeen, in ka badan 14-sano.

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed iyo dadka degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka.

Howlgalladda ayaa haatan si gaar ah uga socda deegaano ka kala tirsan Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo Al-shabaab laga qabsaday deegaanno dhowr ah.

Horseed Media