Taliye Xijaar Iyo AMISOM Oo Ka Wada Hadlay Amniga Doorashada

Published: May 23, 2021

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kulmay Madaxa AMISOM iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Mdowga Afrika Ambassador Francisco Madeira oo ay wehliyaan saraakiisha sarsare ee howlgalka AMISOM.

Kulanka Taliye Xijaar iyo Francisco Madeira ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday Arrimaha amniga doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo sidii loo sugi lahaa amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashada.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Mdowga Afrika ee AMISOM ayaa isla gartay xoojinta iyo wadshaqeynta ka shaqeysa Ciidanka Booliska dowladda iyo AMISOM.

Sidoo kale Francisco Madeira ayaa tilmaamay baahida loo qabo in AMISOM iyo ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay wada shaqeeyaan si loo ilaaliyo amniga loogana hortago weerarada ay Al-shabaab ka geystaan Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *