Taliye Xijaar oo gudoomiyey shir looga hadlayey Amniga dalka

Published: April 30, 2022

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa Xarunta Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye, shir  kula qaatay saraakhiisa sarsare ee Ciidanka Booliska.

Shirka oo ay ka qayb galeen Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska, Taliyeyaasha Hoggaamada, Fadhiyada Madaxa Bannaan, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir iyo Qaybaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa looga hadlayey dardar gelinta sugidda amniga guud ee Dalka, loogu na mahad celinayey Ciidanka Booliska ee sugayey amniga doorashooyinka. 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sidii ay ugu guulaysteen sugidda amniga doorashooyinka oo muddo ka socday dalka, isaga oo faray in ay si weyn isugu diyaariyaan dhammaystirka inta ka dhiman sugidda amniga doorashooyinka.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa adkaynta amniga ee maalmaha Ciidda ee inagu soo aaddan, si shacabka Soomaaliyeed ay farxad iyo nabad galyo ugu ciidaan, looga na hortago dhagaraha ay maleegayaan kuwa lidka ku ah amniga dalka iyo kan shacabka Soomaaliyeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *