Taliye Xijaar Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabid Ku Sameeyey Taliyayaal

Published: October 19, 2020

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa magacaabay Taliyeyaal Cusub, isagoona xilka qaadis ku sameeyay taliyeyaal hore u shaqeynayay.

Wareegto kasoo baxday xafiiska taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa taliyaha saldhiga booliska degmada Shibis ee gobolka Banaadir loogu magacaabay inuu noqdo Cabdicasiis Axmed Baashane, isagoona la bedelay taliyihii hore ee saldhigaas.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa Gaashaanle Mahad Korow u magacaabay Taliyaha Qaybta Bari, waxaana Korow uu ahaa Taliyihii qeyba Waliyow Cadde.

Taliyeyaasha Cusub ee Cabdicaiis Axmed Baashane iyo Gaashaanle Mahad Korow ayaa waxaa la faray inay si toos ah u gutaan waadibaadkooda shaqo ee loo idmaday, sidoo kalena ay la shaqeeyaan Ciidanka ka amniga ee ka howlgala halka loo magacaabay.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sidoo kale xalay kormeer ku tegay Isgoysyada dowladda ay dhawaan ka qaaday dhagxaantii taallay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *