Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland oo is-casiley

Published: May 5, 2020

Col. Barkhad Cabdullaahi Yusuf ayaa maanta ku dhawaaqey in uu iska casiley xilkii uu ka hayey Puntland ee Taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada Puntland.

Col. Barkhad wax faahfaahin ah kama bixin sababta uu isu casiley, Horseed Media ayaa ogaatey in sababta ugu weyni ay tahay wada shaqeyn xumo muddo soo jiitameysey, taas oo u dhexeysey ilaa madaxweynaha ilaa qaar kamid ah shaqaalaha hoose ee Madaxtooyada.

Col. Barkhad oo ah nin dhaliyaro ah ayaa leh tababar iyo aqoon dhanka Milteriga ah, waxanaa Madaxweynaha Puntland bilowgii 2019 u magacaabey taliyaha ciidanka Madaxtooyada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waan soo dhaweyneynaa iscasilaada madaxda maskaxda damiirka iyo dadnimada iyo aqoonta illaaheey siiyey aysan ku doorsaneyn sandareerto iyo sumcad xumo waaba hadeey jirto bal car ku soo dara vila Somalia oo lawada ogyahay sheikh iyo shariif iyo wadaad magac Lahaa qaarkood siyaasada ku soo jiray muddo meesha maanta kaga jiraan bulshada adeer ninkii markhaatiga beenta furay ninkii xoolaha u xalaaleeyey muxuu kuyiri ana ku ogi allana ku og adigana is ogid adeer farmaajo waatagi maxaad sameeyn doonaan allana og bulshaduna og iyagana is og