Talyaaniga Iyo Soomaaliya Oo Saxiixday Heshiis Cusub

Published: October 17, 2020

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Talyaaniga ayaa kala saxiixday heshiiska mashruuc cusub oo isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne.

Ujeedka mashruucan ayaa ah sidii loo yarayn lahaa khatarta fatahaada ee webiga Shabeelle oo dhibaato weyn ku haya beeralayda iyo dadka degan magaalada Beledweyne.

Mashruucan oo ay ku baxayso 6 milyan oo Euro ayaa waxa kala saxiixday  siihayaha wasiirka Beeraha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano, waxaana goobjoog ahaa siihayaha raysal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *