Talyaaniga Oo $6 Milyan Ku Bixinaya Fatahaadaha Hirshabeelle

Published: August 8, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Muqdiso ayaa la kulmay safiir kuxigeenka Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Tabio Massimo.

Waxayna labada masuul ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha soo noqnoqday ee magaalada Beledweyne, kuwaas oo ay ku barakaceen dad Soomaaliyeed oo aad u badan.

Safiirku xigeenka ayaa sheegay inay dowlada Talyaanigu lix milyan oo doollar ($6,000,000) ku taageerayaan sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha, sida ay baahisay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee Sonna.

Madaxweyne Waare ayaa uga mahadceliyey dowlada Talyaaniga sida ay u garab istaageen dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaaduhu.

Lixda milyan ayey dowlada Talyaanigu soo marsiin doontaa hay’adda cunada iyo beeraha ee FAO oo fulinaysa mashruuca.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *