Talyaaniga oo doonaya baaritaanka shidaalka Soomaaliya

Published: April 16, 2023

Waxaa todobaadkan ku soo dhamaadey magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya shir saddex geesood ah oo u dhexeeyey Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaaraha Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni. Shirkan ayaa daba socdey shirar kala gooni ah oo Abiy Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud loogu yeeray magaalada Rome bishii Febaraayo 2023.

Xasan Sheekh oo booqasho ku tegay Rome 9 febaraayo 2023

Xog ay ka heshay Horseed media shirka Adis Ababa ayaa sheegaysa in qorshaha ugu weyn ee shirku ahaa sidii dowladda Talyaanigu ay baaritaan ugu samayso shidaalka Soomaaliya isla markaana la wareegto qaybo badan oo ka mid ah Baloogyada koonfurta dalka.

Talyaaniga ayaa doonaya in ay baaritaan ku sameeyaan Jubaland gaar ahaan dhanka Badda, ma cadda in ay tahay qaybtii dhawaan Maxkamadda caddaaladda ee caalamiga ah ay soo afjartey murankii Kenya iyo Somaaliya. Haddaba si qorshahan loo fuliyo ayaa loo baahdey dal saddexaad oo ilaaliya danaha dalka Talyaaniga, iyo sugidda amniga kaas oo noqdey dalka Itoobiya.

Abiy Ahmed oo booqasho ku tegey Rome 06 Feb 2023

Talyaaniga ayaa dhawaan siiyey Itoobiya lacag ku dhaw €182 oo milyan oo lacagta Yuurada ah oo qayb ka ah mashruucan. Itoobiya ayaa la doonayaa in ay al-Shabaab ka saarto gobolka Jubada Dhexe, si loo xoojiyo amniga Jubaland isla markaana caasimadda rasmiga ah ee jubaland ee Bu’aale ay u noqoto meel xor ka ah al-Shabaab, sidoo kale la soo afjaro maamulka daba dheeraadey ee Axmed Madoobe ee ku kooban magaalada Kismaayo.

Arrintan waxay mugdi kala dhexgelisey Dowladda Imaaaraadka Carabta iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo la galay heshiis dhanka amniga ah, Abu Dhabi ayaa aad uga xumaatey shirka Adis Ababa, mad-madowga u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka bilowdey kadib markii Itoobiya loo diidey in ay ciidamo badan dalka soo geliso si ay qayb uga noqoto iyada iyo Kenya dagaalka al-Shabaab, waxaana arintaas dabada ka riixaayey Abu Dhabi iyo Washington, shaqada ciidamada Itoobiya ayaa lagu koobey in ay xiraan dhamaan xuduudka ay la wadaagaan Soomaaliya gaar ahaan gobolada al-Shabaabku ku badan yahay.

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa Dowladda federaalka u soo tababartey ciidamo tiradoodu ku dhaw dahay 10 kun oo askeri oo cusub, kuwaas oo qorshehu yahay in la geeyo dalka oo dhan. Abu Dhabi oo heshiisyada ugu waaweyn ee ay la gashey Soomaaliya ay ku bedalanayso baaritaanka shidaalka ayaan la ogeyn tallaabada ay qaadi doonto kadib shirkii Adis Ababa.

Dowladda Talyaaniga ayaa wararku sheegayaan in ay Madaxweyne Xasan Sheekh u ballan qaadey lacag hor-marin ah ka hor inta aan heshiiska qalinka lagu duugin.

Qorshaha labaad ee shirka looga hadley ayaa hormarinta labada dal iyo sidii wax looga qaban lahaa dadka muhaajiriinta ah ee magangelyada u doonta Yurub kuwaas oo xoogoodu ka yimaadaan dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Horseed Media