Talyaaniga oo joojiyey ku bixinta Fiisaha Baasaboorka Somaliyeed

Published: September 25, 2024

Dowladda Talyaaniga ayaa joojisay Fiisaha dal ku galka ee schengen ee la siiyo dadka doonayo inay u safraan qaarada Yurub.

Safaarada Talyaaniga ee Muqdisho ayaa qoraal ay ku daabacday barteeda X (Twitter) ayaa lagu sheegay in safaarada Niarobi ay joojisay soo saarinta Fiisayaasha ay soo dalbanayaan dadka haysta Baasaboorka Soomaaliga.

Qoraalka safaarada laguma sheegin sababta loo joojiyay in fiisaha dal ku galka talyaaniga iyo qaarada yurub. Safaaradu waxay kaloo qoraalka ku sheegtay inay ogaysiisay wasaaradda arrimaha dibada ee dowladda Federaalka ee Somaliya.

Bishii Julay ee sanadkan Midowga yurub ayaa soo jeediyay in la adkeeyo Viisaha dal ku galka ee la siiyo dadka haysta Baasaboorka Soomaaliga.

HORSEEDMEDIA