Talyaaniga oo martigeliyey shir looga hadlaayo arrimaha tahriibta

Published: July 23, 2023

Talyaaniga ayaa Axadda maanta ah martigelinaya shir caalami ah oo ay ku lug leeyihiin dalalka dhaca biyaha Mediterranian iyo Bariga Dhexe si wax looga qabto qaar ka mid ah sababaha “qulqulka socdaalka caadinimada ka baxsan.”

“Shirku wuxuu ujeedkiisu yahay in lagu maareeyo dhacdooyinka socdaalka, la dagaallanka tahriibinta dadka iyo horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashi u dhexeeya dawladaha,” ayay dawladda Talyaanigu ku tiri hadal ay soo saartay.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in shirkan lagu soo agaasimay hindise ay lahayd ra’iisul wasaare Georgia Meloni, oo ballan qaaday intii lagu guda jiray ololaheeda doorashada 2022-ka inay joojinayso soo dejinta muhaajiriinta ku sugan gudaha dalkaas.

Shir madaxeedkan oo hal maalin qaatay ayaa Meloni ku baaqday in la sii hagaajiyo xiriirka Yurub iyo dalalka ay tahriibayaashu ka yimaadaan ama ay sii maraan.

“Reer Galbeedku inta badan waxa ay siiyeen aragtida ah in ay aad u xiiseeyaan in ay casharo bixiyaan halkii ay wax amaahin lahaayeen,” ayuu yiri Meloni

Raysalwasaaraha Talyaaniga ee midigta fog ayaa sheegtay in haddii si wanaagsan loo maareeyo xaaladda, ay jiri lahayd isbeddel ku yimaada tahriibta sharci darada ah.

Meloni waxa ay dejisay afar mawduuc oo waaweyn oo iskaashi dheeri ah: La-dagaallanka kooxaha dambiilayaasha ah ee tahriibinta, maaraynta wanaagsan marka ay timaado qulqulka muhaajiriinta, taageeridda qaxootiga iyo caawinta waddamada asal ahaan ka soo jeedaan.

Liiska buuxa ee ka-qaybgalayaasha shirkan caalamiga ah ee horumarinta iyo socdaalka ee Rome ayaan la garanayn, inkastoo Meloni ay xaqiijisay ka qaybgalka madaxweynaha Tunisia Kais Saied.

Imaaraadka Carabta ayaa dhanka kale ballan qaaday $110 milyan oo lagu taageerayo dadaallada horumarineed ee dalalka ay saameysay socdaalka aan joogtada ahayn, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee WAM.

Maamulka Meloni ee dalka Talyaaniga ayaa isku dayaya in uu xakameeyo maraakiibta sida bini’aadantinimada ubadbaadiya muhaajiriinta ku sugan badda Mediterranean-ka iyaga oo soo saaray sharci ku qasbaya maraakiibta in ay ku celiyaan dekada ay ka yimaadeen isla markiiba ka dib markii la badbaadiyay.

Meloni ayaa sheegtay in tillaabooyinka la qaaday si loo joojiyo maraakiibta samafalka inay noqdaan “doonyaha keena tahriibayaasha” ee muhaajiriinta.

Sida laga soo xigtay tirokoobyada hay’adda Qaramada Midoobay, Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka, waxaa Yurub soo galay 109 688 sanadkan 2023 oo keliya, waxaana jira 2153 dhimasho ama xaalado dad la la’yahay.

Intii lagu jiray 2022 waxaa yimid 189,620 iyo 2,965 dhimasho ama xaalado dad maqan.

Horseed Media