Talyaaniga oo sheegay inuusan ka leexan doonin go’aanka uu ku taageerayo Ukraine

Published: September 7, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa Sabtidii sheegtay in Talyaanigu aanu marnaba ka warwareegi doonin taageerada uu u hayo Ukraine, ismariwaaga hadda ka jira dagaalkana uu muujinayo in jawaabta reer galbeedku ka bixiyeen duulaanka Ruushka ee deriskooda ay tahay mid sax ah.

“Waxaan rumaysanahay in Shiinaha iyo Hindiya ay door ku leeyihiin xallinta khilaafka, waxa kaliya ee aan dhici karin ayaa ah in lagu fekero in khilaafka lagu xalin karo in laga tago Ukraine,” Meloni ayaa tiri ka dib markii ay la kulantay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy oo shir ka socday. .

“Doorashada taageeridda Ukraine waxay ahayd marka hore doorasho danta qaranka ah, waana doorasho aan waxba iska beddeli doonin,” Meloni ayaa u sheegtay madasha ganacsiga sannadlaha ah ee TEHA ee waqooyiga Talyaaniga.

Horseed Media