Talyaaniga oo soo badbaadiyey 1,300 oo muhaajiriin ah

Published: March 13, 2023
Shares42

Dowladda Talyaaniga ayaa soo badbaadisay 1,300 oo muhaajiriin ah kadib howlgal samatabixin ah oo laga fuliyey dhowr goobood oo ku yaalla Koonfurta Talyaaniga.

Laba todobaad ka hor ayay aheyd markii ay 74 qof ku dhinteen doon ku qaraqantay xeebaha wadankaasi.

In ka badan 17,000 oo qof ayaa gaaray Talyaaniga ilaa iyo hadda sanadkan, kuwaas oo ay ku jiraan ku dhawaad 4,000 oo toddobaadkan gaaray halkaasi.

Boqolaal ayaa sidoo kale ku geeriyooday iyagoo isku dayayay inay ka soo gudbaan badda Mediterranean-ka oo ay gaaraan Yurub.