Tanzania: Madaxweyne Magufuli oo sheegay inay ka guuleysteen cudurka Covid-19!

Published: June 9, 2020

Madaxweynaha dalka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in wadankiisa uu ka guuleystay, isla markaana ay cirib-tireen cudurka Covid-19.

Madaxweyne John Magufuli ayaa sida ay shaacisay warbaahinta dalkaasi khudbad uu ka jeediyey xus diimeed dalkaasi ka dhacay ku sheegay in shacabka dalkiisa ka  guuleystay cudurka Covid-19, kadib markii ay Illaahooda u tukadeen isla markaana ay Soomeen, waa siduu hadalka u dhigayee.

“…Waxaana ku faraxsanahay inaan ahay Hogaamiyaha wadan Illaahooda aaminsan, illaahayna waa jecelyahay Tanzania, waana ka guuleysanayaa Shaydaanka iyo hawlihiisa, illaahay baana naga difaacay Covid-19…” ayuu yiri Madaxweynaha Tanzania

Madaxweynaha ayaa khudbadan kasoo jeediyey kulan ay lahaayeen dadka heysta Diinta Kirishtaanka ee Katooliga, wuxuuna intaasi raaciyey in shacabka dalkiisa in badan oo kamid ah ay Soomeen.

Dalka Tanzania ayaa horey u xiray xaduuda uu la wadaago dalka Kenya oo ay jaarka yihiin, wuxuuna noqonayaa wadankii ugu horeeyey ee dalalka Afrika ee ku dhawaaqa inay ka guuleysteen cudurka Covid-19.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *