Tartanka Gobalada oo ka furmay Muqdisho – VIDEO

Published: December 20, 2020

Tartanka kubada cagta ee koobka Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday magaalada Muqdisho.

Ciyaarta ugu horeysay ee furitaanka ayey isku arkeen kooxaha ka kala socda Banaadir iyo Galmudug, ciyaartaasi oo ku dhamaatay 2-2.

Bilowga ciyaarta ayaa muddo 1 daqiiqo ah oo duco ah lagu xusay dadkii ku dhintay qaraxii todobaadkan ka dhacay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Furitaanka ciyaarahan ayey ka qeyb galeen Wasiiro ka socda dowlada Federaalka, maamulka Gobalka Banaadir iyo xiriirka kubadda Cagta ee Soomaaliya.  

Ciyaarahan oo afartii sano mar la qabto ayaa labadii goor ee horey loo soo qabtay waxa koobka ku badiyey kooxaha Jubaland iyo Puntland oo hada kuwada jira group B.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *