Tartanka Kubadda cagta ee Gobolada Puntland oo maanta la ciyaarayo

Published: August 17, 2021

Tartanka Koobka Kubadda Cagta ah ee Gobolada Puntland ayaa maanta lagu wadaa in dib loo bilaabo oo la ciyaaro kadib isqabqabsi maalmahan ka taagnaa habka loo maareeyay tartankan.

Xulalka Bari iyo Sool iyo sidoo kale Xulalka Sanaag iyo Nugaal ayaa maanta iswajahaya ciyaar xiiso badan taasoo indhaha lagu wadahayo natiijada kasoo bixi karta.

Ciyaarta ugu xiisaha badan waxa ay dhex mari doontaa Xulalka Gobolada Sanaag iyo Nugaal maadama la go’aamiyay in dib loogu celiyo ciyaartan oo horey Forfeit ay natiijada ku guuleysteen ciyaartoyda Xulka Gobolka Nugaal,xilli ay garoonka ka dareereen Ciyaartoyda Xulka Sanaag oo cabasho ka muujiyay ciyaartoy ay sheegeen in uu ganaax ku maqnaa oo kulanka kasoo muuqday arintaas oo buuq iyo isqabqabsi hareysay ayna iscasileen xubnihii xiriirka Kubadda Cagta Puntland.

Xubnaha cusub ee Xiriirka Kubadda Cagta ah ee Puntland ayaa xilka la wareegay waxaana la filayaa in ay maareeyaan qeybaha ka haray Tartanka kaasoo maraya wareegga isrebreebka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *