Tartankii 6-aad ee kubadda cagta Puntland oo Garoowe ka furmay [SAWIRO + COD]

Published: February 1, 2012

Magaala-madaxda Puntland ee Garoowe waxaa galabta ka furmay tartanka kubadda cagta ee gobolada Puntland.

Munaasabadii tartankan lagu furayey ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan goleyaasha dowlada Puntland, mas’uuliyiintaas oo uu horkacayey madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Gen.Cabdisamed Cali Shire.
[powerpress: url=”https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2012/02/madaxwayne-ku-xigeenka-.mp3″]

Ciyaartii ugu horeysey ee tartankan lagu furayey ayaa waxaa yeeshay gobolada Bari iyo Nugaal, Ciyaartaas oo ahayd mid aad u xamaasad badan ayaa waxaa ku guuleystey xulka gobolka martida loo yahay ee Nugaal kadib markii ay ku badiyeen 2-1.

Gobolka Bari ayaa goolasha ku hormaray waxaase loogu bedelay 2-gool oo mid kamid ahi oo Rikoore (Gool ku laad) ahaa, dhinaca kale ciyaaryahanada xulka Bari ayaa ahaa 9 iyo gool haye waxaana kaarka cas ka qaatay ciyaartoy muhiim ah oo dhexda u qaabilsanaa.

Qaybta danbe ee tartanka maanta oo hada socota ayaa waxaa ciyaaraya labada xul ee Karkaar iyo Haylaan, waxaana garoonka ay ciyaartu ka socoto ee Mire Awaare ku sugan taageerayaal aad u badan oo kumanaan qof gaaraya.

Waa tartankii 6-aad ee kubadda cagta ee ay gobolada Puntland isug yimaadaan, waxaana dhowr mar horyaalnimada koobkan u qaatay xulka gobolka Bari.

Horseed Media