Tirada Dadka u dhintay Covid-19 ee Gudaha Soomaaliya oo korortay.

16 April, 2020

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen sedax qof oo ka mid ah dadkii…

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen sedax qof oo ka mid ah dadkii uu gudaha dalka ku helay cudurka COVID-19, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 ruux sida ay xaqiijisay Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya Fowzia Abiikar.

Wasiirada ayaa warbixinta maalin laha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale la diiwaan geliyay labaatan xaaladood oo cusub. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyayna aygaarayso 80 xaaladood.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay si saxan u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama uu si xawaare leh dalka ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *