Tirada dhimashada Gaza ee weerarrada Israel ayaa ku dhow 27,000

Published: January 31, 2024

Tirada dhimashada weerarrada Israel ee Marinka Gaza ayaa gaartay 26,900 tan iyo 7-dii Oktoobar, Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay maanta oo Arbaca ah.

Waxay kaloo sheegtay in 65,949 qof oo kale ay sidoo kale ku dhaawacmeen weerarrada.

Warbixintan ayaa lagu xusay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ciidamada Israa’iil ka geysteen 16 “xasuuq” guud ahaan marinka Qaza, halkaasoo ay ku dhinteen 150 qof, 313 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Dad badan ayaa weli ku hoos jira burburka hoostiisa… samatabbixiyeyaashuna ma gaari karaan iyaga,” ayay raacisay.

Ku dhawaad 85% dadka reer Gaza ayaa waxaa barakiciyay duqeymaha Israel, halka dhamaantooda ay haysato cunto yari, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Horseed Media