Tirada Safiirada uu Qaabilay Farmaajo Sanadkan Oo La Soo Bandhigay

Published: December 25, 2019

Madaxtooyada Villa Somaliya ayaa soo bandhigtay tirada danjirayaasha uu Sannadkan sii idlaanaya ee 2019-ka uu qaabilay madaxweynaha dowladda federaalka ee Somaliya.

Madaxweynuhu wuxuu qaabilay 13 Danjire oo ka kala socda Danjireyaasha wadamada Ruushka, Sweden, Austria, Italy, Japan, Nigeria, Canada, India, Indonesia, Britain Bahrain, Burundi iyo Masar.

“Sanadkanwaxaa kordhay Danjireyaasha ka mid noqonaya bahda diblomaasiyiinta ka hawgala dalkeenna, taas oo muujinaysa dib u soo laabashada maqaamka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin caalamka” ayaa lagu yiri warbixinta villa Somalia

Madaxweynuhu waxa uu sannadkan 2019 ka guddoomay waraaqahooda Aqoonsiga Danjireyaal dalalkooda uu xiriir taariikhi ah kala dhexeeyo waddankeenna. Taasi waxay ka tarjumaysa aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ku dhisan iskaashiga iyo is-ixtiraamka qarannimo ee dalalka iyo shucuubta danwadaagta ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *