Tirada Xildhibaanada Talyaaniga oo hoos loo dhigayo

Published: October 9, 2019

Baarlamaanka Talyaaniga ayaa Salaasadii ansixiyey in wax laga bedalo Dastuurka dalkaasi si loo yareeyo tirada Xildhibaanada ama Kuraasta labada aqal ee dalkaasi.

Sharcigan cusub ayaa dhaqan geli doona doorashada soo socota ee la qorsheeyey inay dhacdo sanadka 2023.

Tirada Xildhibaanada oo gaaraya kun ayaa lagu wadaa in laga dhigo 600 xildhibaan.

Golaha Wakiilada ayaa xiligan ka kooban 630 xildhibaan waxaana la doonayaa in laga dhigo 400, halka Aqalka Sare oo ay fadhiyaan hada 315 xildhibaan laga dhigi doono 200 Senator.

GoÔÇÖaankan ayaa kamid ahaa balanqaadyadii ugu waaweynaa ee isbaheysiga xisbiyada talada haya ee loo yaqaan shanta Xidig ama  M5S.

Xisbiyada talada haya ayaa rajeenaya in hirgelinta sharcigan ay yaren doonto kharashaadka dowlada halkaasina kasoo bixi doonto dakhli dheeraad ah oo gaaraya boqolaal milyan, waxayna sheegeen in Baarlamaan kooban uu ka shaqo wanaagsanaan doono midka hada jira.

Hase yeeshee goÔÇÖaankan ayaa waxa horjoogsan kara hadii ay shacabka Afti ku diidaan isbedalkan, waxaana jira kooxo kasoo horjeeda goÔÇÖaankan oo u arka in tirada Xildhibaanada oo la yareeyo ay qeyb ka tahay qorshaha ay shirkadaha awoodaleh ku doonayaan inay si fudud ku hantaan Golayaasha hadii la yareeyo tirada xildhibaanada

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *