Saacaddu markey ahayd 18:00 xiliga bariga Afrika waxaa la soo xirey dhamaan goobaha codbixinta ee Somaliland…
Saacaddu markey ahayd 18:00 xiliga bariga Afrika waxaa la soo xirey dhamaan goobaha codbixinta ee Somaliland kadib doorashadii maanta oo Arbaca ah ka bilaamatey ilaa lix gobol ee maamulka Somaliland.
Doorashada ayaa si nabad ah ku dhacdey mana jirin wax amni darro ah oo dhacay mudadii ay socotey codbixintu, cilladaha keliya ee la diiwaan geliyey ayaa ahaa in meelaha qaarkood ay ka daaheen sanaadiikhda codadku.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in isla caawa tirintu ay ka bilaameyso heer goobeed, markii lagu tiriyo isla goobta oo Xisbi kasta qaato shahaadadiisa codadka uu ka helay goobtaas, waxaa loo gudbinayaa heer degmo, kadib waxay u gudbeysaa heer gobol kaas oo xarunta Komishanka Doorashooyinka ku soo wareejinaya natiijada.
Waxa loo yaqaan Exit Poll ee hordhaca qiyaasta najiijada ayaa sheegaysa in musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro uu hayso codad ku filan oo ku noqon karo madaxweynaha Somaliland, kadib markii la waraystey dad ka badan 1000 qo oo meelo kala duwan codkooda ka dhiibtey.
Dhanka Xisbiyada marka laga yimaado Kulmiye iyo Waddani oo si weyn la isugu raacsan yahay in ay mar kale Xisbi noqon doonaan, ayaa waxaa kaalinta saddexaad isku haysta ururada siyaasadda ee Kaah iyo Barwaaqo oo ilaa hadda helaya codadka ugu badan. Xisbiga UCID ayey u badan tahay in uu hawada ka baxo kadib 3 sanno oo u ahaa Xisbi Siyaasadeed.
HORSEED MEDIA