Quebec: Toogasho ka dhacdey Masjid ku yaala dalka Kanada, 6 qof oo lagu diley Masjidka – VIDEO

Published: January 30, 2017

Ugu yaraan saddex nin oo hubeysan ayaa weerar ku qaadey Masjid ku yaala gobolka Quebec ee Bariga Dalka Kanada, 20:00 fiidnimo ee Axadda, xili lagu jirey salaadii Cishaha.

Marka weerarku dhacaayey waxaa masjidka ku sugnaa oo ku cibaadeysanaayey 40 qof. Ugu yaraan 6 qof ayaa weerarka lagu diley waxaana ku dhaawacmey 8 qof sida ay Boolisku xaqiijiyeen.

Warbaahinta gudaha ayaa muujineysa ciidamada Booliska iyo gawaarida gar-gaarka oo gaarey Masjidka Quebec City Islamic Cultural Center.

Guddoomiyaha Masjidka la weearay oo lagu magacaabo Mohamed Yangui ayaa warbaahinta la hadley waxaana uu is weydiiyey sababta keentey weerarkan cadownimada ah. Mohamed Yangui ayaan joogin Masjidka xiliga weerarku dhacaayey, wuxuuse shegay in markiiba Telefon lagula soo xiriiray.

Raysalwasaaaha dalka Kanada ayaa tacsi u direy dhamaan kuwa waxyeeladu ka soo gaartey weerarka wuxuushnimo ee masaajidka lagu qaadey.

Sida laga soo xiganayo Radio Canada waxaa weerarkan loo qabtey laba qof. Qof markhaanti ka ahaa sida wax u dhaceen ayaa Reuters u sheegay in kuwa weerarka soo qaadey ay ahaayeen saddex qof oo isticmaalaya qoryaha darandooriga u dhaca.

Mamsjidka la weeraray ayaa sanadkii 2016 loo geystey foolxumeyn kadib markii albaabka Masjidka la dhigey madax Khaansiir oo sida hadiyad loo soo xiray.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *