Tpec oo Shaacisay Magacyada Ururada Isdiwaangeliyay

Published: March 19, 2020

Gudddiga ku-meel gaar ah ee doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay tirada iyo magacyada ururada siyaasadeed ee iska diwaangaliyay guddiga.

Guddoomiyaha guddiga Tpec Guuleed Saalax Barre oo warbaahinta kula hadlay Caasimadda Garoowe ayaa sheegay in 17 urur siyaasadeed ay is diwaangaliyeen.

Wuxuu sheegay in ururada isdiwaangaliyay laga doonayo inay soo dhamaystiraan shuruudaha laga rabo inta ka horraysay 22 bisha April ee Sanadkan.

Magacyada Ururada

Hoos ka akhriso magacyada urur siyaasadeedyada

1. Urur Siyaasadeedka Bakaal  

2. Urur Siyaasadeedka Xaq iyo Caddaalad          

3. Urur Siyaasadeedka Xaqsoor              

4. Urur Siyaasadeedka Daryeel               

5. Urur Siyaasadeedka Runta iyo Caddaaladda     

6. Urur Siyaasadeedka Shaqaalaha        

7. Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada     

8. Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Sinaanta              

9. Urur Siyaasadeedka Garsoor               

10. Urur Siyaasadeedka Qarandoon        

11. Urur Siyaasadeedka Kaah     

12. Urur Siyaasadeedka Mideeye             

13. Urur Siyaasadeedka Midnimo Qaran   

14. Urur Siyaasadeedka Himilo  

15. Urur Siyaasadeedka Horseed

16. Urur  Siyaasadeedka Ifiye      

17. Urur Siyaasadeedka Umadda 

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment