TPLF oo dowladda Itoobiya ku eedeysay inay drones ku duqeyneyso

Published: September 14, 2022

Xioggaga Tigreega ee ku sugan Waqooyiga Itoobiya, ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay duqeymo badan oo dhanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka fulisay magaalada caasimadda u ah gobolka ee Maqalle.

Getachew Reda, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in duqeymaha ay ka dhaceen xaafado ay deggan yihiin dad rayid ah.

Ma uusan sheegin tirooyin, mana jirto xaqiijin madax banaan oo la xiriirta sheegashooyinkan.

Dowladda Federaalka ee Itoobiya, ayaan weli ka hadlin arrintan.

Dagaal culus ayaa dib uga qarxay Waqooyiga Itoobiya saddex toddobaad kahor, kadib shan bilood oo ay jirtay xabad joojin.

Horseed Media 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *